"The Nothing About Us Without Us Act: WA HB 1802", produced by Rooted in Rights - Somali transcript Sharaxaada Codka: Udoodayaasha Cuuryamada faafinaya fikradahooda ku saabsan Wax Anaga Inagu Saabsan La'aanten looguma soo Kordhin karo Wacitaanka Muqaalka. - Majiraan Waxa Inagu Saabsan Anaga La'aanten Sharci Dajin Waxaan ka dhigeyna sidaas marka dadka cuuryaamiinta in si dhameystiran loogu matali karo howl-galada, shaqooyinka-kooxaha, iyo gudiyaasha sameya go'aanada shuruucda saameynta ku leh nolal maalmeedka muwaadiniinta cuuryaaminta ah. - Taas oo aad muhiim u ah maxaa yeelay shuruuc badan, qawaaniin badan, oo tagay - lasameyay anaga la'aanten. - Ma fileyno in dad aan cuuryaamiin aheyn ee ku jira shirci dajiyayaasha ama madaxda maamul goboledyada, in isla markiiba ay horay ka garan karaan waxa aan u baahan nahay. - Anaga ayaa taa aad ugu mudan in aan ka hadalno sababtoo ah anaga ayaaba ku nool. - Waxaan mar walbo u sheegi jiray shuruuc dajiyayaasheyda, "Aniga ayaa idiin diyaar ah halkaan, ila soo xiriira; aniga ayaa halkaan u joogo in aan idiin taagero, sidoo kale." - Taarikhiyan, marka aanan anaga miiska joogin, waxaa soo baxo shuruucyo badan oo aad u xun. Waad ogtahay, hay'adeynta qasabka ah, xubnaha sida qasabka leyskaga jarayo, qasab faro badan, iyo koontarool in laguugu daro dadka cuuryaamiinta ayada oo aynan dadka cuuryaamiinta marka codsan. - Waa waqtigii. Waan ka daahnay in aan ka qeyb qaadano sameynta shuruucyadan... -...sababtoo ah kadib markaas kadib oo kaliya ayaan sameyn karnaa isbadal anagoo leh sharci taageraya xaquuqdeyna muwaadin... -...iyo in aan ka hortagno waqtiyada ay dhici karto in isku dayo dadaalo wanaagsan ay keenaan dhibaato aanan loo meel dayan. - Waxaan aaminsanahy in lasameyn karo shuruuc wanaagsan sababtoo ah hadda waxaad lahaan doonta dad kugu matala miiska kuwaaso leh qibrado kala duwan cuuryaamo kala duwan kuwaaso muujinaya qeybahaas - Marka Majiraan Waxa Inagu Saabsan Anaga La'aanten ayaa ah halka ay sinaantu ka bilaabaneyso. End of transcript.